Centraal Orgaan opvang asielzoekers
Published on Centraal Orgaan opvang asielzoekers (https://www.mycoa.nl)
2023.02.06 - Somalisch - "Privacy"

Guri > Privacy

Caddeynta xogta shaqsiga ah oo degganayaasha

Ku soo dhowaw Centraal Orgaan opvang asielzoekers (halkan keddib : “COA”, “annaga”, “innaga”, “kenna” ama “kannaga”)! Innaga waxaan dooneynaa in aad kalsooni ku qabto sida taxaddarka leh aan uga hawl galno macluumaadka shaqsiga.  Waxaan raacnaa Nidaamka guud ee difaaca macluumaadka (halkan keddib : “AVG”).  COA waxa ay ururisaa adeegsataana macluumaad si ay dejjin soo dhoweyn iyo hagis u siiyaan magangelyo doonka. Haddi aad codsi magangelyo ka codsatay Nederland aadna deggan tahay (ama malaha hore u soo degtay) xaruumahenna dejjin soo dhoweyn, markaa waa ay ku quseysaa caddeyntan xogta shaqsiga ah.

Sharraxa eraybixinta muhiimka ah

Ereyga “macluumaadka shaqsiga” waa macne balaaran yahay. Waxay quseysaa warbixin kasta oo astaan u ah qofka ("midka loola jeedo"). Ka feker halkaa macluumaadka sida magaca, ciwaanka, taariikhda dhalasho, qarannimada iyo nambarka telefoonka. Isla nuxurka ereygaa waxaa soo gelaayo maclumaad aan sidaa u soo cadcaddeyn sida tusaale ahaan waxa aad shaqsi ahaan daneyso iyo nambarka xisaabtaada bankiga. 

"Ka hawl galka macluumadka shaqsiga ha" waxa ay ka kooban tahay shaqa kaso oo aan macluumaadkaada shaqsiga ah ka qaban karno. Ka feker tusaale ahaan qorista, keydinta, beddelista, gudbinta iyo baabi'inta macluumaadka.

Nuxurka

Caddeyntan xogta shaqsiga ah waxa aan kugu sharraxeynaa sida aan innaga ula falgalno (una ilaalinno) macluumaadkaada shaqsiga ah. Waxaan taa fulinaa innaga oo ka jawaabeyno su'aala soo socda:

1. Macluumaadkadee shaqsiga ah ayeey COA ka hawl gashaa?
2. Yaan ka helnaa innaga macluumaadkaada shaqsiga ah?
3. Sababtee ayeey COA uga hawl gashaa macluumaadkaada shaqsiga ah?
4. Maxay ku saleysaa COA ka hawl galka macluumaadkaada shaqsiga ah?
5. Goorma ayaan macluumaadkaada shaqsiga ah u gudbin karnaa cid kale?
6. Muddo intee la eg ayeey COA keydineysaa macluumaadkaada shaqsiga ah?
7. Sidee ayey COA u xafideysaa macluumaadkaada shaqsiga ah?
8. Xuquuqdaadu maxay tahay?
9. Yaad ula tegi kartaa su'aalahaada, codsigaada ama cabashadaada la xiriirta ka hawl galka macluumaadkaada ee COA?

1. Macluumaadkadee shaqsiga ah ayeey COA ka hawl gashaa?

Waxaan ka hawl galnaa nooca macluumaadkaada shaqsiga ah oo soo socda:
• Nambarrada aqoonsiga ee sharciga faray (sida nambarka ajaanibta);
• Macluumaadka aqoonsi (sida magacaada, taariikhdaada dhalasho iyo jinsigaada);
• Maclumaadka la xiriirista (sida nambarkaada telefoon iyo ciwaankaada e-mail);
• Macalumaadka ciwaanka (sida ciwaanka degaankaada iyo ciwaanka rugta dejjin soo dhoweyn);
• Macluumaadka dokumentiga (sida nooca dokumentiga iyo nambarka dokumentiga);
• Astaamaha shaqsiga (sida shaqada, xiriirka reerka iyo shaqsiga waxa(yaabaha uu daneeyo));
• Macluumaadka dhaqaale (sida nambarka xisaabta bankiga, macluumaadka daqliga iyo maalkaada);
• Macluumaadka wada xiriirka (sida warbixinta wadahalka iyo qoraalada soo xusuusinta);
• Macluumaadka sharciga/dacwadda (sida macluumaadka la xiriira dacwadda magangelyo).

Waxaan akloo ka hawl galnaa macluumaadkaada shaqsiga ah oo gaarka ah:
Macluumaadka ay ka soo baxdo inta xoos ku xusan:
• Qowmiyadda ama qabiilaka la soo jeedo, ama;
• Diinta ama qofka waxa uu nolosha ka aaminsan yahay.
Waxaa macquul in aan ka kawl galno:
• Macluumaadka cabbirka jirka iyadoo laga eegayo xagga iyo aqoonsiga;
• Macluumaadka caafimaadkaada;
• Macluumaadkaada xagga xeerka ciqaabta.

2. Yaan ka helnaa innaga macluumaadkaada shaqsiga ah

COA waxa ay adiga si toos ah kaaga qaadaneysaa macluumaadkaada shaqsiga ah, ama qareenkaada ama adeegyo kale oo dowladda iyo hey'ado (bulshada) kale oo ku mashquula dacwadaada magangelyo, dejjin soo dhoweyntaada iyo hagistaada ama caafimaadkaada.

Adeegyo kale oo dowladda iyo hey'ado (bulshada) kale oo ay macquul tahay in aan ka helno macluumaadkaada shaqsiga ah:
• Adeegyada wasaaradda Cadaaladda iyo Nabadgelyada :
o Dienst Terugkeer en Vertrek (DT&V);
o Immigratie- en Naturalisatiedienst (IND);
o Boliiska iyo qeybaha soo hoos gala sida  Afdeling Vreemdelingenpolitie, Identificatie en Mensenhandel (AVIM);
o Dienst Justitiële Inrichting (DJI) iyo qeybaha hoos gala Dienst Vervoer en Ondersteuning (DV&O);
• Hey'ado kale oo aan wada shaqeyno:
o Koninklijke Marechaussee (KMar);
o GezondheidsZorg Asielzoekers (GZA);
o Stichting Nidos, waa hey'adda madax bannaan oo mas'uuliyadda (-qoyska) ee Nederland qaaddo.

3. Sababtee ayeey COA uga hawl gashaa macluumaadkaada shaqsiga ah?

Waxan macluumaadkaada shaqsiga ah uga hawl galna si aan kuu siinno dejjin soo dhoweyn iyo hagis inta dacwaddaada magangelyo ay Nederland ka socoto (ujeedkeenna ugu horreya). Taasi waa baaxad weyntahay weli waxaa loo sii kala saari karaa dhowr bartilmameed (isku xiran). bartilmaamyadenna ugu muhiimsan waa:
• Bixinta dejjin soo dhoweyn iyo hagis. Dejjin soo dhoweynta waxa ay ka kooban tahay hoy, wax bixin iyo in aad hesho waxqabdka aasaasiga ah sida xannaano caafimaad in aad ka hesho mid ka mid ah rugaha-COA.
• In hagistaada lagu habeeyo mid ka mid ah rugaha-COA, waxaana ka mid ah taasi:
• In laguugu garab galo isku diyaarinta aayatiin Nederland ama meel dibadda ka ah;
• In la xoojiyo isku fillaashadaada ee rugta dejjin soo dhoweyn iyo aayatiinkaba;
• Hagis gaar ah ee nawaaxiga iskuulka, degaanka, horumarinta, la qabsashada iyo qeyb gelista ama dib u noqoshada;
• Fulinta maamulka degaanka, tusaale ahaan boqashada-qolalka iyo- kontroolka, diiwaan gelinta astaamaha ka ganacsiga dadka & is xambaarka iyo diiwaan gelinta shilalka.
• In laguugu garab galo jidka aad qaan gaar ku noqon lahayd haddii aad tahay ajnabi da'yar oo keli ah (halkaan kedib : “AMV”).
• Soo afjarista dejjin soo dhoweyntaada, waxaana ka mid ah taasi:
• In laguugu garab galo, u gudbistaada degaan dowladda hoose;
• Dhexdhexaadinta in ay dowladaha hoose mid ka mid ah hoy ku siiso;
• Hagistaada adigoo si isku fillasho leh ama adigoo lagu qasbay dib ugu noqonaaya waddanka aad ka timid ama waddanka-Dublin.
• Sugista nabadgelyada iyo nolol wanaagga ee mid ka mid ah rygaha. Ma aha oo keli midaada oo keli ah ee middaa dadka kaloo deggan halkaa iyo/ama shaqaalaha COA, tusaale ahaan iyada oo ladiwaan gelinaayo hujuumka, weerarka iyo shilal kale.
• Hawl galka xaalad degdeg ah, sida marka fal dhib leh dhaco ama mid xanuun keenay halkaas oo aad adiga xannaano degdeg ah u baahan atahay.
• Fulinta baaritaan cilmiyeed iyo mid taariikhi ah, oo danta guud een bartilmaadka istatistikada iyo midka keydinta ah.

4. Maxay ku saleysaa COA ka hawl galka macluumaadkaada shaqsiga ah

Waxaan u idmannahay in aan macluumaadkaada shaqsiga ah ka hawl galno marka keli ah oo aan taasi u heysano 'sabab sharciyeysan oo aasaasi ah. Sababtaasi aasaasiga ah waxaan ku jirtaa AVG. Bartilmaameedyada kor ku xusan (cutubta 3) si loo gaaro waxaan soo xigan karnaa dhowr sabab oo aasaasi ah:
• ka hawl galka waxaa loogu baahan yahay si lo fuliyo waxaa sharciga uu qasbayo;
• ka hawl galka waxaa loogu baahan yahay in la difaaco danahaada laga maarmaanka ah iyo kuwa qof kale;
• ka hawl galka waxaa loogu baahan yahay in la dhammeystiro dan guud/ ama laan oo hoos imaaneysa fulinta kormeerka danta guud ee COA, ama;
• Adiga ayaa oggolaasho ka hawl gal bixiyay si loo gaaro bartilmaameedyo cayyiman.

inta badan waxaan ka hawl galnaa macluumaadkaada si aan u fulino hawshenna sharciyeeysan oo ah in aan ku siino dejjin soo dhoweyn iyo hagis. macluumaadkaada la'aantood nooma suurta galeyso in aan si dhammeystiran u fulino hawshenna sharciyeysan.

5. Goorma ayaan macluumaadkaada shaqsiga ah u gudbin karnaa cid kale?

Waxaa dhici karta in aan macluumaadkaada shaqsiga ah kuwa kale la wadaagno, maadaama taasi loogu baahan yahay dejjin soo dhoweyntaada iyo hagistaada. Dabcan waxaan taasi sameyneynaa marka keli ah oo sabab fiican aan u heysanno. 
Waxaan gudbineynaa oo keli ah macluumaadka lagama maarmaanka ah qofka macluumaadkaasi u baahan si ay hawshooda u fuliyaan. Kooxahaasi kale waa in ay sida COA ay si taxadder leh u adeegsadaan macluumaadka shaqsiga ah. Waxaan taasi ka dhiganay ballamo cadcad.

Waxaan macluumaadkaada la wadaagi karna:
• Adeegyada wasaaradda Cadaaladda iyo Nabadgelyada:
o Dienst Terugkeer en Vertrek (DT&V);
o Immigratie- en Naturalisatiedienst (IND);
o Boliiska iyo qeybaha soo hoos gala sida Afdeling Vreemdelingenpolitie, Identificatie en Mensenhandel (AVIM);
o Dienst Justitiële Inrichting (DJI) iyo qeybaha hoos gala Dienst Vervoer en Ondersteuning (DV&O).
• Kooxaha wadashaqeynta ee xannaanada:
o GezondheidsZorg Asielzoekers (GZA), loo marsiiyo Arts en Zorg;
o MediFirst;
o Regeling Medische zorg Asielzoekers (RMA), loo marsiiyo ceymiyaha xannaano DSW;
o Ururrada caawinaadda ee Gobolka sida kuwa Dowladda Hoose ama Adeeg Degmadeedka Caafimaadka iyo Baaninta (GGD en GHOR).
• Kooxo kale oo wada shaqeyn :
o Ilaalada Xadadka Boqortooyada (KMar);
o Hey'adda Caalamiga ee Migreshanka (IOM);
o Stichting Nidos (waa hey'adda madax bannaan oo mas'uuliyadda (-qoyska) ee Nederland qaaddo);
o Hey'adda Qaxootiga u Shaqeysa ee Nederland (VWN);
o Hooy Nabadgelyo leh (barta laga xaadiriyo hujuumka hooyga iyo jirdilka carruurta);
o Xaruunta Taqassuska Ka Ganacsiga dadka iyo Is Xambaarista  (EMM).
• Noocyo kale oo kooxo kale oo wada shaqeyn:
o Dowladda Hoose;
o Bankiyada;
o Gaadiidka sida taxi- iyo shirkadaha gawaarida dalxiiska;
o Hey'adaha tacliinta sida xannaanada carruurta iyo iskullada;
o Baarayaasha Dowladda, adeegga gargaarka, kormeerayaasha ama hey'adaha maxkamadeed ee fulinta waajib sharciyeeysan ama marka amar degdeg ah dhaco;
o Qarennada degganayaasha si danoohooda ay u xafidaan;
o Shaci yaqannada, xisaabiyayaasha iyo baarayaasha xisaabaha oo ilaaliya danaha COA;
o Ceymiyeyaasha ee qeybta ceyminta mas'uuliyad qaadista ee magangelyo doonka;
o Adeegyada turjuban;
o Kooxo wada shaqeyn oo daneeya qeybta carrurta ku jirta dejjinta soo dhoweynta/AMV.

Inta aan innaga mas'uul ka nahay macluumaadkaada shaqsiga ah waxa ay dhex oolli doonaan gudaha Ururka Yurub. Haddii ay dhacdo in macluumaadkaada aan u direyno waddan ama hey'ad Ururka Yurub ka baxsan, markaa taasi ma dhaceyso iyada oo aan la qadanin tallabooyin xafidaad oo u qalma. 

6. Muddo intee la eg ayeey COA keydineysaa macluumaadkaada shaqsiga ah?

Ma keydineyno macluumaadkaada in ka badan inta aan u baahannahay in bartilmaameedyada aan u fulino.Muddada aan keydineeyno waa mid aan hore u cayyimnay. Adiga muddayaasha keydinta ee hoos ku xusan ayaa kugu muhiimsan in aad ogaato.
Macluumaadka aan ka hawl galeyno oo la xiriira dejjin soo dhoweyntaada waxaan ku lifaaqeynaa "galka degganayaasha". Guud ahaan waxaan macluumadka keydinaa si kastaba 20 sano keddib marka galka la xiro. Waxa quseeya qorallada maaliyadda waxaa kuwaasi lagu aruuriyaa bixinta dhaqaale ee COA, waxaan kuwaasi la keydinayaa muddo dhan 7 sano. 

7. Sidee ayey COA u xafideysaa macluumaadkaada shaqsiga ah?

COA waxa ay qaaday tallabooyin ka hawl galka macluumaadkaada shaqsiga ah lagu xafidaayo loogana hortegaayo in kuwaasi si qaldan loo adeegsado. Si loo xafido macluumaadka shaqsiga ah gudaha COA waxaan higsanaa janngo'ynta xafidaada dowladda iyo -nidaamka u qoran. Waxaa kaloo jira in shaqaalaha COA, iyo kuwa wakhti kooban u shaqeeya iyo tabarrucayaasha ay ku qasban yihiin in ay xogta ilaaliyaan.

8. Xuquuqdaadu maxay tahay?

Iyada oo la tixraacayo AVG waxa aad leedahay xuuq kala duwan. Waxa aad leedahay iyadoo dhowr xujjo ay la socdaan xuquuqda in aad macluumaadkaada shaqsiga ah oo aan ka hawl galno aragto, in kuwaasi (ka yeesho) in la beddelo ama la tirtiro. Waxa kaloo aad leedahay iyadoo dhowr xujjo ay la socodaan xuquuqda in aad ka dacwooto ka hawl galka, xuquuqda in la xaddado ka hawl galka iyo xuquuqda in aad hesho macluumaadkaada iyagoo digitaal ah. Haddii aad doonto in aad xuquuqdaada adeegsato, nagala soo xirii macluumaadka hoos ku xusan (cutubta 9).

Waxaan codsigaada ka hawl galeynaa sida ugu degdegta badan, si kastaba gudaha hal bil. Haddii jawaabta ay wakhti dheeraad ah qaadato, markaa taasi ayaan bil gudeheed kugu soo war gelineynaa.  Waxaan mar kasta isku deyeynaa in codsigaada qancinno, balse taasi mar kasta ma hirgaleyso ama macquul ma aha. Waxaa jiri kara sababao wanaagsan aan codsigaada ku diidno. COA waxa ay ku qasbanaa kartaa in ay keydiso macluumaadkaada iyadoo loo adeegsday taa nidaam sharciyeeysan. 

Xuquuqda kor ku xusan waxaa dheer oo aad dacwad geysan kartaa  Autoriteit Persoonsgegevens (Halkan keddib: “AP”). AP waxa ay kormeerta in sharciyada xogta shaqsiga ah siday ahayd Nederland looga fuliyo. Waxaan door bideynaa in aad marka hore innaga nala soo xiriirto, inta aadan u gudbin AP. Waxaan isku deyeynaa in cabashadaada aan sida ugu wanaagsan u xallino. Macluumadka la xiriirka AP waxa aad ka heleysaa websiteka www.autoriteitpersoonsgegevens.nl [1].

Ku xisaabtan marka nala soo su'aalo ama codsi noo yimaado in ay tahay in aan xaqiijino aqoonsigaada. Taasi waxaan u sameyneynaa in aan ka hor tagno in macluumaadkaada shaqsiga ah aan la wadaagno koox qaldan ama iyadoo aa xaq loo lahayn aan wax ka beddelno macluumaadkaada shaqsiga ah.

Go'aan kasta ay COA qaadato si ay u fuliso shaqadeeda dejjin soo dhoweyn waxaa hirgelinaayo shaqaale-COA. COA ma adeegsato agab gebigiisaba iskiisa si automatik ah u qaata go'aan shaqsi ah. Waxaa taa lagu jedaa in go'aan la qaadan automatik ah, iyadoo qof bani'aadam ah soo dhex gelin, iyadoo adiga taasi ku yeelan karo saameyn xagga sharcigaah ama ilaa iyo xad ku saameyn kara.

9. Yaad ula tegi kartaa su'aalahaada, codsigaada ama cabashadaada la xiriirta ka hawl galka macluumaadkaada ee COA?

Haddii aad su'aalo, codsi ama cabasho ka qabto ka hawl galka macluumaadkaada ee COA, waxaad ula tegi kartaa leynka warbixinta-COA adeegso ciwaanka e-mailka: info@coa.nl [2]. Waxaan isku deyeynaa in sida ugu dhaqsida badan uga soo jawaabno, si kastaba gudaha hal bil. Marar dhif ah ayaan muddadaasi kordhinaa ilaa iyo ugu badnaan saddex bilood.
Ciwaanka boostada:
Centraal Orgaan opvang asielzoekers
Postbus 30203
2500 GE Den Haag

COA waxa kaloo ay leedahay Sarkaalka Xafidaadda Macluumaadka (FG) oo hawshiisa ugu muhiimsan tahay in uu gudaha kormeero in ay COA ka soo dhalaashay xujjooyinka AVG. 

Qofka lagala xiriiraayo FG: fg@minjenv.nl [3] t.a.v. dhr. Pieter de Groot.
 
Caddeyntaan xogta shaqsiga ah waxaa dejjiyay hoggaanka taariikhda 27 agosto 2019.


Dit document is afkomstig van https://www.mycoa.nl, zie https://www.mycoa.nl/so/print/infosheetprint/1992

Links
[1] http://www.autoriteitpersoonsgegevens.nl [2] mailto:info@coa.nl [3] mailto:fg@minjenv.nl

2023.02.06 - Somalisch