Hadii aad heshay verblijfsvergunning Asiel (sharci magangelyo) waa kuugu waajib inburgeringsplichtig (waa in aad bulshada dhexgeshaa). Taa macnaheedu waa in aad barataa sida aan Nederland ugu noolnahay iyo u shaqayno. Barashada afka Nederlaanka waa qayb ka mid ah inburgeren (isdhexgalka). Sida caadi ah waa inaad sidoo kale imtixaan gashaa.
Laga soo bilaabo 1 janaayo 2022 waxaa jira sharci cusub, Wet inburgering 2021. Laakiin sharcigan ma qabanayo qof kasta. Waa muhiim in aad ogtahay sharciga adiga ku khuseeya. Si aad u ogaato waxa aad samayn lahayd.
Haddii ay tahay inaad samayso inburgeren, waxaad warqad ka helaysaa Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO). Warqadda waxaa ku qoran taariikhda ay tahay inaad isdhexgalka samayso. Ma haysatid miyaa warqadda? Bogga Mijn Inburgering waxaad ka arkin kartaa goorta ay tahay inaad samayso inburgeren.