Temporary location (CNO)


Soo dhawoow!

Waxaad magangelyo ka rabtaa Nederlaan. Waxaa lagaa keeney xaruunta codsiga ee Ter Apel. Sababtoo ah xaruumaha soo dhowaynta COA way buuxaan, sidaa ayaad hadda u joogtaa xaruumahan xaaladaha degdegga ah CNO ee degmada.

Goobta soo dhaweynta degdega ah CNO waa qaabilaad leh tas-hiilaad ka yar xerooyinka qaabilaada magangelyada caadiga ah

Tusaale ahaan, waxay noqon kartaa inaad halkan la seexato dhowr qof hal qol. Sidoo kale, dhammaan tas-hiilaadka ma aha kuwa heersare ah (sida waxbarashada). Waxaan ku dadaaleynaa sida ugu dhaqsiyaha badan inaan ku gayno goobaha soo dhaweynta caadiga.

Inta taa la gaarayo waxaan kaa codsanaynaa dulqaad. Waan ognahay in tani ay kugu adag tahay.

Boggan internetka waxaad ka helaysaa macluumaad badan. Daawo sidoo kale fiidyowyada ku saabsan nolosha Nederlaan.

Hoos waxaad ka helaysaa jawaabaha tiro su’aalo ah oo aan ognahay inay iswaydiinayaan dadka ku nool xerooyinka degdega ah CNO. Su'aashaadu miyaanay liiska ku jirin? Markaa u tag Infobalie (Xafiiska macluumaadka) ama shaqaalaha goobta soo dhaweynta.