Jawiga shaqada
Sharuudahan guud waxaa lagu dabaqayaa qaab kasta oo website kan loo isticmaalo, taa waxaa ka mid ah booqshada website ka, website guduhiisa oo aad uga sii gudubto mid kale, koobigareynta (qeyb ka mid ah) dokumentiyada iyo isticmaalka macluumaadka website ka nuuc uu doono ha ahaadee. Haddii aadan sidaa ku raacsanayan; waa in aad toos uga baxdaa website kan. Booqashada keli yah ee aad booqanayso website ka waxaad ku cadaynaysaa in aad ogolaatay sharuudahan guud.
Sharciga lagu dhaqayo
Website kan iyo dhamaan xiriiryada sharciga ah oo ka dhalan kara isticmaalkiisa, waxaa lagu dhaqayaa sharciga Nederland. Khilaaf kasta oo ka imaada isticmaalka website kan , waxaa si gaar ah loogu gudbin doona garsoore awood u leh ee maxkamada Den Haag.
Exoneratieclausule (masuuliyada oo aad iska wareejiso)
Ilaa iyo xadka uu sharciga ogolaanayo, COA mas’uul kama aha waxyeelada, nuuc kasta ha ahaado iyo magac kasta ha la haadaan, kuwaas oo ka dhalan kara isticmalka website kan. Isticmaalka aad isticmaalayso website ka waxaad COA si cad uga difacaysaa mas’uuliyad kasta.
Waxa uu ka kooban yahay website ka
Macluumaadka ku qoran website kan waxaa loo diyaariyey si niyad wanaagsan iyo aqoonta ugu fiican. Waxaa sida suurtagalka ah loogu dadaaley macluumaadka in ay sax ahaadaan, laakiin qaladaad ama aan dhameestirneyn aan la xaqiijin karin. Qofka website ka booqanaya waxaa si deg deg ah loogula talinayaa in, ka hor inta aanu gaarin go’aan ku salaysan macluumaadka website ka ku qoran, uu marka hore ka hubiyo saxnaanta macluumaadka qof ama hay’ad aqoon u leh. Haddii aad u malaynayso in aad ku aragtay qaladaad dhab ah, waxaan aad u soo dhoweynaynaa in aan adiga kaa maqalno: sharuudaha guud MyCOA.