Ma sheegan karaa degmada aan rabo inaan ku sii noolaado?


Waxaad u gudbin kartaa dookhaaga shaqaalaha COA. Haddii ay jiraan shuruudo 'adag' oo degmadaas kugu xidhaya, COA waxay kugu dadaali doontaa inay xisaabtanto intii karaankeeda ah. Shuruudaha meelaynta/degmo-qaadasho 'adag' waa:

1. Qof ehelkaaga raaska/darajada koowaad ah ayaa hore u deggan degmadaas

2. Waxaad ka haysata shaqo mushahar ku qaadataid degmadaas

3. Waxaa lagaga oggolaaday degmooyinka qaar inaad  waxbarasho khaas ah ka dhigatid

4. Waxaa degmo/gobol kaaga xidhan daaweyn/gargaar caafimaad oo khaas ah

Haseyeeshee xitaa shuruudahan 'adag' ayagoo jira ma dammaanad qaadi karno in lagu dejiyo degmadaas.