Ka shaqeynta Nederland


Ma leedahay oggolaasho joogitaan magangelyo wakhti xaddadan? Markaa waa aad ka shaqeyn kartaa Nederland waxana ku quseeya xuquuqda iyo waajibaadka saaran dadka Nederlaand-ka ah. Sidaa awgeed waxaa kaarkaaga(sharcigaaga) joogitaanka ah korkiisa ku qoran ‘shaqo xur u ah, aan looga baahneyn fasax oggolaasho shaqo (twv)’ . haddii aad ka shaqeyso Nederland waxa aad noqoneysaa qeyb firfircoon oo bulshada Nederland ka mid ah. Waxa aad dhiseysaa shax xiriiro waxa aadna wax ku biirineysaa bulshada. Xitaa af Nederlaand-ka si wanagsan in aad u adeegsato ayaad baraneysaa.

VOORwerk waxa laga bixinaayaa azc-yo kala duwan. Wakhtiga uu tababrka socdo, oo ah hagista shaqsiga ah ee arrinmaareeyaha, iyo iyadoo la adeegsaday barta waxbarashada iyo shaqada waxaad sii adkeyn kartaa aqoontada iyo waxa aad karto. Taasi waxa ay kordhineysaa fursaddaada shaqo.

Ma ku mashquulsan tahay tababar-VOORwerk ama hore ayaad tababar u soo gashay? Ama waxaad rabtaa shaqo mushahari ah in aad hesho, shirkad aad sameysato, tababar shaqo ama shaqo tabarruc ah ka sameyso Nedeland? Halkan waxa aad ka heleysaa warbixin kasta ook u saabsan ka shaqeynta Nederland. Inta badan oo website-yadan ku yaal boggagaan waxa un ba lagu heli karaa af Nederland-ka ama af Ingriiska. Waxaa dhici karta in aad caawinaad u baahato si aad warbixinta si fiican ugu fahamto. Warbixinta website-yadan waa muhiim xitaa hiddii aadan weli degganeyn azc-ga. Mar kasta u af Nedrland-kada kordo, is fahmistaadana waa ay sii kordheysaa.

Haddii marka aad akhrisato warbixinta ku taal site-kan keddib aad weli su’aalo qabto, wax aad  e-mail u soo diri kartaa  VOORwerk@coa.nl (link-ga e-mail ayuu dirayaa) ama la soo xiriir qofka xiriiriye kaga ah COA-da.

Test your knowledge

Watch the video's

Shaqada mushaharka ah:

Oggolaasho joogitaan heyste ahaan waa in aad sida Nederland-ka intiisa kale aad shaqo mudshahari ah fulisaa. Haddii aad weli azc-ga deggan tahay aadna hesho shaqo mushahar leh, waa in aad qeyb ka mid ah lacagtaad shaqeeysay, aad COA siisaa. Sidaasi waxaa aad kaga qeyb qadatay bixinta kharashka dejjinta soo dhoweyn. Wixii warbixin ku saabsan inta khrashkaasi la eg yahay waxa aad ula tegi kartaa xiriiriyahaga ee COA. Halkan hoose waxa aad ka heleysaa aragti guud ee link-yaasha xambaarsan warbixin ku saabsan ka shaqeynta Nederland:

Beroepen in Beeld (link- waa dibadda)

Beroepen in Beeld waxa uu bixiyaa warbixin ku saabsan shaqooyinka wax qabadka ah. Waxa aad website-kan ka heleysaa muqaal gaagaaban iyo warbixin ku saabsan shaqooyinkaa, balse xitaa warbixin ku saabsan suuqa shaqada.

Dress for Success (link-ga waa dibadda)

Marka aad leedahay wadahadal dalab shaqo waa muhiim in si wacan aad u leebisan tahay. Taasi awgeed ayeey tabarrucayaasha hey’adda Dress for Success ay u siyaan caawinaad dadka dakhliga yar soo galo. Dress for Success waxa ay kugu caawii karaan in aad muqaal wacan la tagto wadahadalka dalabka shaqo, si fursadaha shaqo ay kugu kordhaan.

Kans op werk (link-ga waa dibadda)

Website-kan waxa aad ka raadsan kartaa nooca shaqada aad gobolkaada fursado badan oo shaqo aad ku heleysid.

Studieperspectief (link-ga waa dibadda)

Ma rabtaa in aad ogaato in xirfaddaada si fudud aad shaqo Nederland uga heli kartid? Ama ma rabtaa in aad ogaato waxbarashadee aad fursadaha ugu fiican oo shaqo helis ku leedahay? Website-kan waxa aad ka arki kartaa fursadaha shaqo iyo waxbarasho oo ka jira gobol kasta.

Refugee Start Force (link-ga waa dibadda)

Adiga oo adeegsanaaya Facebook-groepen oo Refugee Start Force, iyo adeegsanaaya Linked In ay leeyihiin boggoda waxaad si fudud xiriir ula sameyn kartaa xirfadleyaasha Nederland, iyo tabarruceyaasha aaggaga kuu dhow. Sidaasi waxa aad ku sameysanee shax xiriiro waxa aadna kobcinee af Nederland-ka. Waxa aad ka qeyb qaadan kartaa hawlgallo si wadajir ah loo fuliyo waxaana lagula socodsiinayaa qorshayaasha soo jiidashada leh iyo shaqooyinka soo baxo.

Refugee Talent Hub (link-ga waa dibadda)

Refugee Talent Hub waa bar kulan oo online-ah halkaas oo qaxootiga lagu lamaaniyo shaqobixiyeyaal. Waxa aad CV-gaga gelin kartaa halkaas waxa aadna ka fa’ideysan kartaa tababar iyo hagis hageyaal.

UAF JobSupport (link-ga waa dibadda)

Ma leedahay shahaado-hbo oo Nederland aad ka qaadatay ama shahaado jaamacadeed? Mana ku hadashaa (qiyaastii) af Nederland-ka heerka B2? Markaa waxa aad iska diwaangelin kartaa UAF Jobsupport si aad u hesho caawinaad badigoobka shaqo.

Werk (link-ga waa dibadda)

Website-kan waxaa loogu tala galay dadka Nederland oo dhan ee shaqo doonka ah. Adigoo isticmaalata website-kan waxa aad raadin kartaa jago shaqo bannaan, dalab shaqo, iyo in aad ka dalabato lacagta shaqo la’aanta UWV.

Werkwijzer Vluchtelingen (link-ga waa dibadda)

Website-kan waxa aad ka heleysaa warbixin badan ook u saabsan ka shaqeynta iyo wax ka barashada Nederland. Waxaa kaloo aad ka heleysaa tusaalooyin hey’ado kala duwan iyo qorshayaal oo ku mashquulsan ku hagista heystayaasha oggolaasho joogitaan suuqa shaqada ee Nederland.

Shuruucda iyo nidaamyada shaqooyinka ee Nederland (link-ga waa dibadda)

Qeybtan oo Werkwijzer Vluchtelingen waxa aad ka heleysaa soo kobis nidaamyada saameya qaxootiga iyo shaqada. Waxa kaloo xitaa ka heleysa link-yaal warbixin oo dowladda Nederland.

Qibrad shaqo oo laga sameeyo xagga meelaha lagu shaqo barto oo mushahar ah:

Goob qibrad shaqo oo mushahar leh waa shaqo wakhti xaddadan halkaas oo aad ka heleyso fursad aad hirgeliso in aqoon aad u yeelato hey’ad iyo ka shaqeynta gudaha hey’ad. Waxa aad heleysaa fursadda in aad ogaato in shaqada qaarkeed tahay mid kugu jaan go’an. Waxa ku macquul ah in aad shaxda xiriirada aad balaariso, aad karaankada horumariso, iyo waxa aad yelaneysa qibrad shaqo. Waxaa lagu siinaya kunturaad shaqo, waxa aadna qaadaneysaa marka ay ugu liidato mushaharka kan ugu hooseeya. Goob qibrad shaqo oo mushahar leh waxa uu noqon karaa jaranjaro aad shaqada uga sii tallabsato.

Werkwijzer Vluchtelingen (link-ga waa dibadda)

Website-kan waxa aad ka helikartaa tusaale goob qibrad shaqo oo mushahar leh , sida tan aay soo bandhigaan Nederlandse Spoorwegen.

Qibrad shaqo oo laga sameeyo si tababar ah:

Shaqo tababarasho waa isku diyaarin fiican oo shaqo. Adiga oo adeegsanaaya shaqo tababar wax badan ayaad baran kartaa, qibrad ayaad ku yelaneysaa, iyo waxaad ogaan kartaa sida ay tahay ka shaqeynta Nederland. Wakhtiga shaqada tababarasho waxa aad muddo xaddadan u shaqeyneesaa hey’ad. Halkaasi oo waxbarashada ay muhiim tahay. Hadaba laguma siinayo mushahar. Balse waxaa dhici karta in lagu siiyo magdhow kharashyada aad ku qasban tahay in aad gasho.

Waxaa jira hey’ado kala duwan oo kaa caawini kara sidii aad ku heli lahayd shaqo tababarasho. 

Leerwerkloket (link-ga waa dibadda)

Leerwerkloket waxa ay bixisaa talo madax bannaan ook u saabsan waxbarashada iyo shaqada. Waxaad ka doonan kartaa aragti guud oo goobaha shaqo tababarasho, talo shaqsi ah, iyo in ay kuu gudbiyaan hey’ado kale oo kugu caawini kara baadi goobka shaqo tabbarasho iyo waxbarasho adiga kugu jaan go’an.

Stagestraat (link-ga waa dibadda)

Stagestraat waxa ay ku caawinaayaan oggolaasho joogitaan hestayaasha oo dowlado hoose oo kala duwan ku sugan sida ay shaqo tababar oo ku fiican ay u heli lahayeen. Stagestraat waxa aad muddo 6 bilood ah, 4 maalmood usbuuciba shaqo tababar ka heleysaa bayecmushtarka yaryar, maqaayadaha hotellada iyo bararka ama adeeg bixinta.

Waxaa kale oo jira qorsheyaal ku beegan ku hagista oggolaasho joogitaan heystayasha suuqa shaqada. Kuwaasi waxa aad mararka qaar ka doonan kartaa shaqo tababarasho:

K!X Works (link-ga waa dibadda)

K!X Works waxa ay ku caawintaa qaxootiga da’da yar iyo kuwa mar dhow soo galay jidka waxbarashada, shaqo tababar iyo shaqo. Waxa ay hagaayaan hal sano, waxaana la siinayaa tababar karaanka bulshada- iyo shaqo doonista, dhismaha shax xiriiro, iyo in ay aqoon u yeeshaan waxbarashada iyo suuqa shaqada ee Nederland. Waxa aad arrinmaareeyahaada COA weydiin kartaa in ay K!X Works ay azc-gada ka hawl gasho.

Vluchtelingen Investeren in Participeren (VIP) (link-ga waa dibadda)

Vluchtelingen Investeren in Participeren waa qorshe halkaas oo qaxootiga loogu diyaargareeyo shaqada. Vluchtelingenwerk waxa taasi ka kaashataa shaqo bixiyeyaasha, waxbarasho bixiyaha iyo dowladaha hoose. Waxa aad arrinmaareeyahaada COA weydiin kartaa in qorshahaan xitaa uu ka hawl galo dowladda hoose oo aad adiga degi doonto.

Sameynta shax xiriiro waxa ay kugu caawini kartaa fursadaha in aad shaqo tababar hesho:

Refugee Start Force (link-ka waa dibadda)

Adiga oo adeegsanaaya Facebook-groepen oo Refugee Start Force, waxaad si fudud xiriir ula sameyn kartaa xirfadleyaasha Nederland, iyo tabarruceyaasha aaggaga kuu dhow. Sidaasi waxa aad ku sameysanee shax xiriiro waxa aadna kobcinee af Nederland-ka. Waxa aad kaloo ka heleysaa warbixin ku saabsan shaqoyin tababar, waxaadna ku soo bandhigi kartaa codsi haddii aad shaqo tababar baadi goobeysid.

Shaqo iskaa ah:

Shaqo tabarruc waa hab fiican oo aad ku baran karto sida looga shaqeeyo Nederland. Waxa aad baraneysaa sida ay dadka Nederland iskula dhaqmaan goobta shaqada. Dad cusub ayaad baraneysaa, waxa aad kobcineysaa cv-gaada iyo af Nederland-ka ayaad ku tababaraneysaa. Shaqo tabarruc si aad ah ayaa Nederland looga qiimeeyaa. Ma laguugu siinayo mushahar, balse waxa aad kaabeysaa bey’aada aad ku nooshahay. Mararka qaar waxaa lagu siinayaa magdhow kharashka aad gashay ah. Hawlgallo badan ayaan horay u socdeen haddii aysan jirin shaqo tabarruceyaal!

Tabarucce ahaan waxa aad ka shaqeyn kartaa ururada bulshada iyo hey’adaha sida hooyga xaafadda, ururka kubadda cagta, kaniisadda ama hooyga dadka gaboobay. VOORwerk-arrinmaareeyaha ayaa ku siin kara warbixin ku saabsan shaqo tabarruc ah oo u dhow azc-gaga. Haddii aad hore u soo dhammeysay tababar- VOORwerk, markaa karaanka aay yeelatay waxa aad u adeegsan kartaa si aad u horumarto wakhtiga ay socoto shaqada tabarruca ah.

Xagga hoose waxa aad ka heleysaa warbixin dheeraad ah ook u saabsan shaqada tabarruca ah ee gobolkaada.

Brograamka Aan de slag (link-ga waa dibadda) adigoo isticmaalaya waxa aad adigoo ku jira azc-gaga shaqo tabarruc ka qaban kartaa dowladda hoose. Weydii arrinmareeyahaada in azc-gaga uu ka qeyb galo hawl qabso, ama ka fiiri website (link-ga waa dibadda) warbixin dheeraad ah.

Website-ka Vrijwilliger&werk (link-ga waa dibadda) waxa aad ka heleysaa liis online-ka ah ee bankiga jagooyinka shaqayaasha tabaruuca. Website-ka  Ik wil vrijwilligerswerk doen (link-ga waa dibadda) waxa aad ka raadsan kartaa shaqo tabarruc ah. Waxaad jagada banaan ka raadin kartaa hey’adaha, dowladda hoose ama nooca shaqo.

Waxaa kaloo magalooyin badan ka jira xaruun tabarrucayaasha oo aad iska diiwan geli karto si aad shaqo tabarruc ah u qabato. Astaamaha wadaxiriir ee xaruunta tabarrucayaasha ee kugu dhow waxa aad weydiisan kartaa arrinmaareeyaha VOORwerk.

Shirkad ama ganacsi aad leedahay inaad sameysato:

Shaqo mushahari ah, shaqo tababar raacsho ama shaqo tabarruc ah waxaa barbar socda in aad shirkad aad leedahy bilaabi karto. Shirkad aad adiga leedahay adiga ayaa isku madax ah adiga ayaana qorsheysan karo wakhtiyada aad shaqeeyneyso. Taagista shirkad aad adiga leedahay shaqo badan ayeey u baahan tahay. Waxyaabo kala duwan ayaa loo baahan yahay, sida qorshe shirkadeed, xaruun fiican, maalgelin lagu bilaabo, xayeesiin wacan, iyo maamul fiican iyo waa in aad ogataa waa maxay xuquuqda iyo waajibaadka aad leedahay, tusaale ahaan wixii quseeya cashuuraha. 

Xagga hoose waxa aad ka heleysaa links-yada warbixinta ku saabsan sidii aad shirkad aad leedahay u bilaabi lahayd.

Kamer van Koophandel (link-ga waa dibadda)

Kamer van Koophandel waxa aad ka raadsan kartaa warbixin iyo talo ku saabsan sida shirkad loo sameeyo iyo bilaabista shirkad aad adiga leedahay.

Ondernemersklankbord (link-ga waa dibadda)

Si aad u hesho garab gal iyo talo sida aad shirkad aad leedahay u bilaabi lahayd waxa aad u tegi kartaa la taliye ka mid ah Ondernemersklankbord oo u dhow degaankada.

Ondernemersplein.nl (link-ga waa dibadda)

Haddii aad rabto in aad shirkad aad adiga leedahay bilowdo, markaa waxa aad site-kan ka heleysaa warbixin kasta ook u saabsan sharciyada, nidamka canshuuraha ama lacago deeq kaalmo ah.

UAF training voor startende ondernemers (link-ga waa dibadda)

UAF waxa ay ku hagtaa qaxaatiga waxbarasho sare leh sida ay waxu baran lahaayeen iyo ay u heli lahayeen shaqo u qalanta. Ardayda-UAF (ama UAF-alumni) oo si isku filan rabaan in ay noqdaan kuwa shirkad leh, waxa ay u UAF isku dubariday tababar gaar ah oo sannad ah.

Qredits (link-ga waa dibadda )

Qredits waxa aad ka codsan kartaa maalgelin ee shirkadaada. Halkaasi waxa aad kaloo ka doonan kartaa warbixin iyo talo.

Cordaid (link-ga waa dibadda)

Cordaid waxa ay bixisaa talobixin marka la dhisayo shirkado iskaashato ah. Kuwaasi waa shirkado oo ay dad kala duwan si wadajir ah ay u dhisayaan. Cordaid waxa ay caawinaad ka bixineysaa horumarinta ra’yi fiican iyo qorista qorshaha shirkadda. Hey’adda waxa kaloo ay caawinaad ka bixisaa sidii loo balaarin lahaa shaxda xiriirada ama soo bandhigidda maalgelinta bilowga ah.

Hay’ adaha shaqada:

Xafiiska shaqo u dirista (uitzendbureau) waxa uu dhexhdexaadiyaa dadka shaqo doonka ah iyo shirkadaha oo u baahan dad. Si aad shaqo u hesho adiga oo adeegsanaya xafiis shaqo diris, waa in aad marka hore is diwaangelisaa. Haddii jidka xafiiska shaqo u dirista aad shaqo ku hesho, inta badan waa shaqo wakhti kooban. Marka aad shaqo ku hesho jidkaa xafiiska shaqo u dirista, waxaa tahay shaqaale la soo diray waxa aadna kunturaad shaqo la leedahay xafiiska shaqo u dirista ee ma la lihid kunturaad shirkadda aad u shaqo tagtay. Waxa xitaa aad lacagta ka qaadaneysaa xafiiska shaqo u dirista ee toos lacag ugama qaadaneysid shaqo bixihiyaaga. Xafiiska shaqo u dirista hadaba waa shirkad dhexdhexaadin oo u dhexeeysa adiga iyo shaqo bixihiyahaga.

Manpower (link-ga waa dibadda)

Manpower waa xafiis shaqo u dire oo kugu caawini kara sidii aad shaqo uga heli lahayd Nederland. Manpower waa aad iska diwaan geli kartaa waxa adna ka doonan kartaa talo ku saabsan shaqeynta. Website-ka Manpower waxa kaloo aad ka heleysaa agab-baadigoobe baaxad weyn oo jagooyinka shaqo ee bannaan, fursadaha waxbarasho iyo talooyin sida aad heerkada u kobcin lahayd.

OTTO Work Force (link-ga waa dibadda)

OTTO Work Force ilaa iyo hadda waa dhexdhexaadiyaha shaqo oo caalamiga ah oo ugu weeyn Yurub, wuxuuna xitaa qaxootiga ku lamaaniyaa shirkado. Qaxootiga waxa ay OTTO Work Force u soo bandigaan shaqooyin qeybaha beeraha, adeega isgaarsiinta ama warshadaha nadiifinta.

Randstad (link-ga waa dibadda)

Randstad waa xafiis shaqo u dire oo weyn oo caan ka ah Nederland. Shaqaalaha Randstad waxa ay bixiyaan talo waxa ayna isku deyaan in ay isla haleelaan qaxaatiga iyo hey’adaha dadka raadinaaya. Randstad waxa ay kaloo bixisaa taloyin shaqo dalabka- iyo ku horumarka shaqada, waxa ayna soo bandhigaan tijaabooyin kala duwan oo online ah si aad u imtixaanto shaqsiyaddada iyo caqligaada. Website-ka waxa aad ka heleysaa jagooyin shaqo oo bannaan oo loo kala shaandheeyay gobol ahaan, nooca shaqo ahaan iyo heerka waxbarasho.