Soo dhoweeynta, qolalka sugitaanka, daaradaha iyo qolalka qaabilaadda ee GZA iyo JGZ waa in aad had iyo jeer maaskeraka xiran tahay.
Ka hor inta aad duruusta ama hawlgallada ka qeyb gelin waa in aad foom caafimaadkaada ku saabsan buux buuxisaa. Hawlgallada qaar oo xaruunta waxaa laga yaabaa in kuwa waayeelka loogu tala galay korona fiiruska awgii la baajiyo.
Xaruuntaada ka eeg sida GZA loola xiriiri karo. Ma rabtaa in aad GZA la ballanto? Wac namabrka telefoonka ee GZA rugtaada. Nambarka telefoonkaas waxa uu ku yaal booster-ka iyo albaabka GZA. Ma xiran tahay GZA rugtaada? Markaa wac "de Praktijklijn": 088-112 2 112.(la heli karo 24/7).
Xannaanada Caafimaad ee Dhallinta (De Jeugdgezondheidszorg JGZ) waxa ay leeyihiin saacad qabilaad oo waalidka iyo carruurtooda. Waxaad taasi ak heleysaa warqad casumaad. Keligaa imoow marka aad casumaad hesho lana imoow 1 waalid oo keli ah saacadda qaabiladda ee JGZ. Haddii qolka sugitaanka uu furan yahay, ku dhoowra qolka sugitaanka xitaa kala fogaasho dhexdiinna oo dhan 1,5 meter.
Waxaa kaloo dhaqangelaya:
- Goobaha dadweynaha oo dhan, gudaha ama bannaanka, waa qasab in kala fogaasho 1,5 meter ah la ilaaliyo dadka deggan iyo shaqaalaha.
- Isku imaatin iyo xaflado waa mamnuuc in lagu qabto unugyada degaanka.
- Ugu badnaan 1 qof ayaa ku soo booqan kara maalintiiba (laga reebo carrurta da’da ilaa 13 jir). Ilaali had iyo jeer 1,5 meeter kala fogaasho ah.
Xeerarka kor ku xusan sidooda loo fulinayaa. Haddiba aad xeerarka ilaalin weeyso, si adag ayaan wax uga qabaneynaa waxaana ku dul saareynaa nidaam xeereedkeeda. Dadka nederlaandka ah xitaa waa quseeysaa ganaaxuna waa mi daad u sarreya.
U fiirso: waxaa dhici karta in xaruuntaada iyada oo taa caafimaadka iyo nabadgelyada la xiriirta uu nidaam kale ka jiro.
Waxaa ku jirta nabadgelyada dadka deggan oo dhan in qof waliba uu ballamada ka soo baxo!